DHAGEYSO: Dawooyin dhacay oo lagu gubay magaalada kismaayo

Hay’ada Taya dhowrka Badeecooyinka Jubbaland ayaa dabagal ay sameysay waxay kusoo ogaatay dawooyin dhacay oo lasoo geliyey Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Amaanka ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay dawooyinka dhacay kadibna goob fagaaro ah dab ku qabad siiyey.

Guddi loo xilsaaray inay baaritaan ku sameeyaan Badeecadaha ayaa Hay’ada uxilsaartay si looga feejignaado caafimaad daro ka imaan karta,iyadoo digniin loo diray dadka ka ganacsada waxyaabaha tayadooda wanaagsaneyn.

Hay’ada Taya dhowrka Badeecooyinka Jubbaland ayaa sheegtay inay sii socon doonaan howgalka lagu baarayo badeecooyinka lagu iibiyo,Kismaayo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author