DHAGEYSO: Dawlada oo ka hadashay ciidanka caasimada soo galay

Tan iyo xalay waxaa Magaalada Muqdisho laga dareemayey dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda,iyadoo qaar ka mid ah waddooyinka Caasimada la xiray.

Askar katirsan Meliteriga oo ka yimid Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa la sheegay inay la wareegay sida ay sheegteen Xaafado ka mid Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan.

Aagga Fagax Ilaa Sanco ayaa lagu arkay Gaadiidka dagaalka ee Cabdi bileyaasha kuwaas oo cabsi ku beeray Shacabka deegaanadaasi ku dhaqan.

Warbaahinta Madaxa Banaan ayaa la filayaa in ay la hadlaan Saraakiisha hogaamineysa ciidamada la wareegay degmooyinka wuqooyi Muqdisho.

Dhanka kale korneel C/qaadir Cabdullaahi oo katirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa warbaahinta usheegay inay been abuur tahay wararka sheegaya in ciidamo kasoo baxay Furumaha dagaalka ay soo galeen Muqdisho meelo ka mid ah caasimadana ay qabsadeen.

Ilaa hadda si faah faahsan Saraakiisha Laamaha amniga kama aysan hadlin dhaq dhaqaaqyada ciidan ee laga dareemay Muqdisho.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author