DHAGEYSO: Dawlada Oo Hub siineysa Ciidankii Qaban lahaa Ceel buur

Waxay diyaarinayaan Talisku Askar lagu xoreeyo Deegaanada Al shabaab kaga sugan yihiin Deegaanada Galmudug,waxaana dhawaan la filayaa in dufcadii Koobaad ee tababar qaatay loogu soo xiro Dugsiga Harqaboobe Ee Ku yaalla Magaalada Guriceel.

Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka General Maxamed Cadoow Cali (Sanka) ayaa Xerada Ciidanka Lagu tababaro kormeer uu ku tegay waxa uu ballan qaaday in Hub iyo Agabkii ay mudnaayeen heli doonaan.

Taliyaha waxa uu sheegay in dhawaan ay Askartaan tababarka marka ay dhameystaan Kadib Lagu xoreyn doono Magaalada Ceel buur ee Gobolka Gal guduud sida uu warka udhigay oo ay Duulaan ku yihiin.

Hadalka Taliyaha ayaa kusoo beegmaya Xilli shalay Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi uu ku goodiyey ka hor inta uusan dhamaan sanadkaan 2021 ay Al shabaab ka sifeyn doonaan Deegaanada Galmudug.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

 

You might also like More from author