DHAGEYSO: Dawlada Oo baareysa dhacdooyin fool xun oo kusoo batay Muqdisho

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Korneel Sadiiq Cali Doodisho ayaa waxa uu ka hadlay dhacdooyinka la xiriira dilalka Arimaha Qoyska ee kusoo laab laabtay waayihii dambe Muqdisho iyo Gobollada Dalka.

Waxa uu sheegay Afhayeenku inay Dawladu wado baaritaan la xiriira arimahaan isagoo sheegay inay wixii natiijo kasoo baxda dib kasoo gudbin doonaan.

Korneel Doodisho ayaa hoosta ka xariiqay in dilkii Warta Nabada loogu geystay marxuum Salaado oo seygeedii Bashiir dilay Dhawaan kiiskiisa gacanta lagu hayo baaritaana uu kusocdo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author