DHAGEYSO: Danjire Tarsan “Farmaajoow Is Casil Ama Rooble Ku…

Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ah Safiirka Soomaaliya Ufadhiya Dalka Kenya ayaa muuqaal xalay laga duubay waxa uu kaga hadlay Xaalada Dalka uu kujiro.

Waxa uu ka codsaday madaxweyne Farmaajo marka uu Baarlamaanka hortego inuu is casilo kadib culeysyada badan ee Mucaaradka iyo Beesha Caalamka kala kulmayo awgeed,ama uu ku wareejiyo Awooda Doorashada Ra’iisal Wasaare Rooble.

Tarsan oo sii hadlayey ayaa sheegay in bad baadinta Dalka iyo bur bur ku yimaada Dawladnimada ay ugu wacan tahay Farmaajo oo qaata go’aankaasi geesinimada leh,inta uu Xildhibaanada Golaha Shacabka hor taagan yahay.

Hadalka Danjire Tarsan ayaa waxa ku taageersan Siyaasiyiin badan marka la qiimeeyo dhufeysyada ka sameysmay Muqdisho oo ciidamo hubeysan kusugan yihiin kuwaasi oo Farmaajo kasoo horjeeda in xukunka sii joogo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author