DHAGEYSO: Cali Jeyte “War Dawladnimada Yaan Iska Bur burin”

Iyadoo maalmihii dambe ay taagneyd dhaq dhaqaaqyo ciidamo iska soo horjeeda Muqdisho ayaa waxa hadana jira cabsi laga qabo in la dagaalamo.

Dhufeysyo ciidan ayaa magaalada lagu arkay kuwaas oo ay Ciidamo ka gadooday Muddo kordhinta Farmaajo ay sameysteen kuwaas oo sheegay inay dagaal udiyaar garoobayaan.

Dhinacyada kala duwan Ee Bulshada ayaa ku baaqay in aan la bur burin magaalada iyo hantida taalla,islamarkaana aan waxyeelo loo geystay shacabka ku nool.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa sheegay in Colaada loo durbaan tumayo Xamar ay halisteeda leedahay sheegeyna in lo obaahan yahay in laga fiirsado bur burinta Dawladnimada iyo Dalkaba.

Waxa uu Jeyte hoosta ka xariiqay inuu soo arkay colaad muddo afartan sano ka badana uu Soomaaliya soo joogay wixii dhacay uu og yahay Soomaalidana ugu baaqay in laga fiirsado dagaal dhaco.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author