DHAGEYSO: Cali Guudlaawe oo ka hadlay dagaal beeleedka B/weyne

Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa waxa uu ka hadlay dagaal beeleed dhawaan ka dhacay Magaalada B/weyne Ee Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in lagu baxay kala dhex gelida dhinacyada dagaalamay islamarkaana Madaxweyne kuxigeenka Yuusuf Axmed Xagar iyo  maamulka Gobolka Hiiraan ay ukala dab qaadanayaan Beelaha dirirta dhexmartay.

Cali Guudlaawe ayaa walaalaha dagaalamay ugu baaqay inay nabad ku wada noolaadaan oo dagaal aysan wax faa’iido ah keenin.

Dhul beereed ayey ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed Magaalada Beled weyne,kaas oo khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyadoo ciidamada Meliteriga la kala dhex dhigay maleeshiyaadkii dirirta dhexmartay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author