DHAGEYSO: Booliska Nugaal Oo udigay Wiilal & Gabdho Isla dabaasha

Howlgalo looga hortegayo in wiilasha iyo gabdhaha si wadajir ah ugu dabaashaan goobaha waraha biyaha ku jiraan iyo baliyada ayaa waxa sameenaya ciidamada Booliska Garowe.

Shalay waxaa lasoo qabtay kudhawaad labaatameeyo dhalinyaro ah oo lagu sheegay inay ahaayeen Masoomayaal kuwada dabaalanayey Biyo fadhiisid ku yaalla Laac Garowe Duleedkiisa ah.

Taliye kuxigeenka Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cusmaan Maxamuud Buraale ayaa ka waramay Masoomayaasha ay soo qabteen iyo falalka ay ciidamada kusoo qabteen.

Taliye Cusmaan Buraale ayaa waalidiinta iyo Dhalinyarada kaleba uga digay ficilo la mid ah kuwaasi xilli lagu guda jiro Bisha Ramadaan,islamarkaana ay mamnuuc tahay in Wiilal iyo gabdho goob kuwada dabaashaan.

Deegaanka Laac dheere oo 5 KM ujira Garowe ayaa waxa biyo fadhiisid ku yaalla loo dabaal tegaa,inkastoo la mamnuucay bisha ramadaan in dabaal loo aado,waana meesha shalay howlgalka dhalinyarada lagu soo qabtay kusugnaayeen.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author