Dhageyso: Bariga Gobolka Mudug Oo Xaalad Adag Ay Ka Jirto

Biyo yari ayaa ka jirta Qeybo ka mid ah Gobolka Mudug,sida ay sheegeen dadka deegaanada Bariga Gobolkaasi Deggan,waxaa yar in ay helaan Biyo ku filan.

Sidoo kale dadka deegaanada Ceel dhanaane,Af Barwaaqo,Bandarshe ayaa sheegay inaysan heysan baahiyaha Adeegyada Bulshada iyagoo ka codsaday Dawlad gobolleedka galmudug inay ka jawaabto Baaqooda.

Wasiir Kuxigeenka Gaadiidka,Cirka iyo Dhulka ee Dawlad Gobolleedka Galmudug Axmed Shaaluco oo Wafdi horkacayey tegeen Deegaanadaasi ayaa sheegay inay madaxda ka sareysa la wadaagi doonaan si looga fal celiyo Biyo yarida heysata.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka

You might also like More from author