DHAGEYSO: Baarlamaanka Puntland oo eedeyn ujeediyey DF Soomaaliya

Xildhibaanada Baarlamanka Puntland ayaa kulan ay saacado ka hor ku yeesheen Garowe waxay kaga hadleen Arimo dhowr ah.

Shirkaasi ayey Wakiilada Puntland ku Eedeeyeen Dawlada Federaalka Soomaaliya, in ay hor-istaag ku sameysay fulinta heshiiskii DP world ee horumarinta dekedda Boosaaso.

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo arintaan kala shiray xubnaha ururada bulshada Rayidka ah, ayaa su’aalo laga weydiiyay sababta loo fulin waayey heshiiska DP world.

Wakiilada Puntland ayaa kaga jawaabay su’aalahaas, in Xukuumada Soomaaliya ay sabab utahay dhaqan-gelin la’aanta heshiiska, si loo hormariyo dekedda Boosaaso.

Heshiiska DP world oo la saxiixay 6 April 2017, islamarkaana Baarlamanka Puntland ansixiyay 27 july 2017 ayaan weli waxba ka fulin.

Xukuumadii C/weli Gaas madaxweynaha Puntland ka ahaa ayaana heshiiskaasi la gashay Hay’adaan Fadhigeedu yahay Imaaraat-ka Carabta.

Sanadkii hore Madaxweyne Siciid Deni ayaa muujiyey quus iyo dhaqan gal la’aan Heshiiskii DP World taas badelkeedana ay isla xisaabtan ku sameyn doonaan shaqada hay’adaas.

12-kii Maarso 2018-kii, Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiis kasta oo lala galay Shirkada DP World, waxaana 15-kii Maarso isla 2018-kii  go’aankaas ku raacay Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya.

You might also like More from author