Dhageyso: Axmed Madoobe Oo Ku baaqay in Xoog loo saaro Farmaajo

Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) Madaxweynaha Jubbaland oo xalay kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada Jubaland, waxaana uu kaga warbixiyay xaalada dalka isagoo ku eedeeyey Dawlada Federaalka inay ay ku fashilantay hirgalinta doorashooyin loo dhan yahay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo dhowr mar shir la yeeshay madaxda Dawlad Gobolleedyada mar kastana Caqabada dhankiisa ay ka imaaneysa.

Eedaasi ka sokoow waxa uu sheegay Madoobe in aysan aqbali Karin muddo kororsi aan heshiis lagu aheyn uu farmaajo kusii joogo Xukunka sida uu warka udhigay isagoo cod dheer ku sheegay in ceeb weyn tahay qaabka loo wajahay caburinta Mucaaradka ka fekirka duwan Villa Soomaaliya.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa ku baaqay in Madaxweyne Farmaajo xoog la iskugu geeyo sidii meesha looga saari lahaa waa sida uu warka uyiri.

Halkaan hoose ka dhageyso codka

You might also like More from author