DHAGEYSO: Axmed Faal Oo Dhalinyarada Inay Isku Tashi Shaqo Ugu Baaqay

Tababar ay maalgelintiisa ka qeyb qaadanayaan Maamulka HirShabelle ayaa waxa laga daah furay magaalada Jowhar halkaasi oo dhalinyarada Fursado Shaqo Abuur ah loogu sameenayo.

Deegaanada Maamulka Hirshabelle ka arimiyo ayaa la gaarsiinayaa Mashruucaan,sida qorshaha yahay waxa looga goleeyahay yareynta Dadka Waxbartay ee hadana aan fursado ay ku shaqeystaan helin.

Agaasimaha Wasaarada Dhalinyarada Ee HirShabelle Siciid Saalax C/raxmaan ayaa ka waramaya Ahmiyada ka wasaarad ahaan u leeyahay Mashruucaani.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay dhalinyarada inay isku tashi dhexdooda ah sameeyaan oo aysan Maamulka deegaanka ka jira keliya aysan waxba ka sugin.

Inta badan Dhalinyarada wax bartay ayaa waxay helin fursado ay ku shaqeystaan caqabado isbiirsada ay la kulmaan awgeed.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author