DHAGEYSO: Axmed Daaci Oo Farmaajo Ku Eedeeyey Awood Sheegasho

Gudoomiyihii Hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadoow (Axmed Daaci) ayaa ka hadlay Xaalada Doorashada iyo Khilaafaadka ka jira.

Waxa uu sheegay in Shirka maanta Arimaha Doorashada looga arinsanayo ku dhaliilay in iclaamintiisa Madaxweyne Farmaajo culeys heysta ku yimid.

Axmed Daaci ayaa dhanka kale sheegay in ka hor Doorashada Dalka ka dhaceysa loo baahan yahay in la sugo Amaanka.

Isagoo sii hadlayey ayuu cod dheer ku sheegay in Ciidamada Qaranka aan loo adeegsan Dano gaar ah taas badelkeedana Dawlada looga fadhiyo inay la timaado Qorshe Amniga Lagu sugayo.

Hadalka Axmed Daaci ayaa kusoo beegmaya Xilli Madaxda Soomaalida ay kaga shirayaan Muqdisho Xal ka gaarista Ismari waaga ka dhashay Arimaha Doorashada dalka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author