DHAGEYSO: Amarka Mareykanka Ee Doorashada Soomaaliya

Xalay Wakhti dambe ayaa Qoraal kasoo Baxay madaxtooyada Soomaaliya waxa lagu sheegay in Shir kale uu Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday uu iskugu yeeray Shir Madaxda Dawlad Gobolleedyada Iyo Gobolka banaadir.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-ka Maarso 2021 ku baaqay shir lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii kasoo laabtay heshiiskii doorashooyinka si dalka loogu jiheeyo doorasho xor iyo xalaal ah.

Waa Markii 6aad oo Madaxweyne Farmaajo Iclaamiyo Shir,shantii jeer hore waa ay qabsoomi waayeen oo looma dhego nuglaan in shirkaasi dhaco,tan iyo Dhamaadkii bishii Janaayo Sanadkaan.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa dhankooda waxay qoraalo kooban ay soo saareen waxay sheegeen in jawaab kasoo saari doonaan Iclaaminta Shirka Isniinta Isbuucaan Madaxweyne Farmaajo ugu yeeray inay kasoo qeyb galaan.

Waxa uu kusoo beegmayaa Shirkaan lagu baaqay xilli Khamiistii Gole ay ku Bahoobeen Xoog weynta Mucaaradka,Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland & Gudoomiyaha Aqalka sare looga dhawaaqay Muqdisho,kaas oo loo bixiyey Golaha Bad baadada Qaranka.

Dhinaca kale Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa soo saaray War uu dhinacyada Soomaalida ku amray in deg deg loo qabto Doorasho dhacda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayuu Xoghayaha arrimaha dibadda ee Marakanka Anthony Blinken ugu baaqay madaxda fedraalka Somalia iyo madaxda dowlad goboleedyada federaalka ah inay dhinac iska dhigan ahdaaftooda siyaasadeed ee kooban, sida u tilmaamay isla markaana ay gutaan waajibka ka saaran shacabka Soomaaliyeed, si degdeg ahna ugu heshiyaaan qabashada doorasho hufan oo loo wada dhanyahay.

Mursal Saneey oo ka mid ah Mac-hadka Heritage ayaa Sharaxaad kooban ka bixinaya waxay daarneyd Fariinta Mareykanka usoo diray Saamileyda Siyaasada Soomaaliya

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author