DHAGEYSO: Amar la dul dhigay ka hor Munaasabada Ciida dadka Reer Baydhabo

Iyadoo loo diyaar garoobayo munaasabada ciidul fidriga oo maalmo kooban inaga xigaan ayaa waxa kulan ka dhacay baydhabo waxa looga hadlayo sidii looga shaqeyn lahaa nadaafada deegaanka.

Agaasimaha Guud ee faya dhowrka dawlada Hoose Ee Baydhabo Xasan Maxamed Nuur ayaa amray Dadweynaha inay ka shaqeeyaan Nadaafada.

Gudoomiye  kuxigeenka Arimaha Bulshada maamulka Baydhabo Aadan Cali Carab ayaa ku dhawaaqay qof walbo gurigiisa hortiisa ka shaqeeyo oo qashinka ka qaado iyaguna ay biyaha meelaha ay fadhiisteen ka dhuri doonaan.

Amarkaan ayaa kusoo aadaya xilli maalmahaa roob uu ka da’ay meelo badan oo ku yaalla dalka oo biyo fadhiisid waddooyinka ka dhigay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author