DHAGEYSO: Amar culus oo la dul dhigay dadka ku dhaqan Kismaayo

Gudoomiyaha Degmada Kismaayo Ibraahim Yuusuf Tima jilic ayaa waxa uu sheegay in kulan ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta Maamulka la isku afgartay dib uhabeyn lagu sameeyo sharciga guryaha iyo goobaha ganacsi.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in daraasad la sameeyey ka hor Amarka soo baxay islamarkaana ay qasab ku tahay dhaqan gelinta dadka uu ku socdo go’aankaasi lasoo saaray.

Kismaayo ayaa waxay ka mid tahay meelaha soo koreysa dhaqaale ahaan iyo dhismayaasha casriga sanadihii lasoo dhaafay waxaana maamulka halkaasi ka jira ay sheegeen in ay weli socdaan Mashaariic hormarineed oo magaalada loogu talo galay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author