Dhageyso: Agaasimihii Hore NISA Oo Xalay Isku day dil ka bad baaday

Sida uu sheegay Agaasimihii hore Ee Hay’ada NISA C/raxmaan Tuuryare Cumda waxa xalay uu ka bad baaday weerar la doonayey in lagu khaarajiyo,kadib markii gaadiid uu la socday ciidamada Dawlada ay rasaas huwiyeen.

General Tuur yare ayaa sheegay in meel ku dhaw Isgoyska Mariina Ee Degmada Kaaraan in lagu rasaaseeyey kollonyo gaadiid isaga la socday,xilli ay kasoo laabteen hoyga Xasan Sheekh Ka deggan yahay Mariina.

Waxa uu ku eedeeyey Ciidamada Dawlada inay doonayeen dil loola dan lahaa balse uu ka bad baaday,isagoona ku goodiyey in jawaab deg deg ah ka bixin doono qorshahaasi fashilmay ee isaga ka dhanka ahaa.

Shirka jaraa’id waxaa isna ka hadlay General Maxamuud Maxamed Koronto,waxaana uu sheegay in wax laga xumaado tahay qof mas’uul dalkaan xil kasoo qabto lasoo weeraro,iyadoo la adeegsanayo ciidamada Qaranka,isagoo Koronto sheegay in jawaab deg deg ah ka bixin doonaan weerarka General Tuur yare lagu qaaday Habeenimadii Xalay.

Ilaa hadda ma jirto faah faahin kasoo baxay laamaha amniga Dawlada oo looga hadlayo tacshiiradaasi xalay la huwiyey gaadiidka galbineysay General C/raxmaan Cumda Agaasimihii hore Ee NISA Dawladii Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha ka ahaa.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA TUUR YARE

You might also like More from author