Dhaawaca Afhayeenka Xukumadda oo loo qaaday Turkiga

Afhayeenka Xukumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu oo maalintii Axadii ku dhaawacmay qarax lala beegsaday ayaa galabta loo qaaday dalka Turkiga si loogu soo dabiibo.

Dhaawac Afhayeenka Xukumadda ayaa waxaa qaaday diyaarad gaar ah oo caafimaad, iyada oo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo ehelka Afhayeenka ay ka sagootiyeen Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xaaladda Afhayeenka Xukumadda, Macalimuu oo ay dhaawacyo ka soo gaareen qeybo kamid ah xubnaha hoose ee jirka ayaa wanaagsan sida ay noo sheegeen saraakiisha Caafimaadka.

Qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaana beegsaday gaari uu la socday Afhayeen Macalimuu xilli uu marayay meel u dhow Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxa lala beegsaday Afhayeenka Xukumadda, Macalimuu

You might also like More from author