Deni oo amar culus dul-dhigay golaha wasiirada Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa amar culus dul dhigay golaha wasiirada maamulkaasi, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Deni ayaa faray dhammaan wasiiradiisa inay fuliyaan wareegto uu shalay soo saaray oo la xariirtay in aan la deegaameysan dhul daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marnaba aan la ogolaan doonin in la dego ama la dhisto dhul daaqsimeedyada ku yaallada deegaanada dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweynae Deni  ayaa xusay in ka maamul ahaan tallaaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qadi ciddii lagu arko.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka in ay fuliyaan amarkaana, islamarkaana ay ka shaqeeyaan horumarka deegaankooda,

Puntland oo maamul ugu horreeyey ee ka aas aasmay dalka ayaa waxaa muddada ay jirtay ku tallaabsatay horumar dhinaca dhismaha iyo dowladnimada.

You might also like More from author