DegDeg: Dagaal kii Guriceel oo Saaka Mar-kale Dib u Bilowday.

Wararka Saaka laga helayo Magaalada Guriceel ee Gobolka Galguduud ayaa Saaka waxaa dib uga Qaraxay Dagaal  xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada oo Taageeraya kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlu-Suna.

Rasaas xoogan ayaa la soo sheegayaa in Labda Dhinac ay isku adeegsanayaan  iyadoo saaka dadkii fara kutiriska ahaa ee shalay Magaaalada ku haray ay saaka ka baxsanayaan Dagaalka Xooga ee Magaalada Guriceel ka bilowday.

Ahlu Suna ayaa Magaalada Dib u qabsaty xalay xili shalay ay magaalada ka saareen ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamulka Galmudug.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 ruux oo isku jira dhinayadii dagaalamay iyo dad ka rayad ka ah .

Saraakiil ciidan ayaa sidoo kale ku jira waxaa dagaalka ku dhintay.

W/Q: MOHAMED YAHYE JINOW

You might also like More from author