DEG DEG- Xilwareejin ka dhacdayCarunta Nisa iyo Ciidamo isku horfadhiya

Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka HNSQ ayaa shaacisay in Taliyaha Cusub ee sida ku meel gaarka ah loo magacaabay uu la wareegay Xilka.

Gashaanle sare Yaasiin Cabdulaahi Maxamud ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Taliyaha Cusub ee HSNQ.

Qoraalka Nisa ayaa lagu soo xiray “Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud. Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday.”

Dhanaca kale Ciidamada ku sugan xarunta taliska Nabad Sugidda ee Habar Khadiijo ayaa u kala qeybsamay laba dhinac

dhinac taageersan RW Rooble iyo garab kale oo taageersan Farmaajo iyadoo hadda ay isku haystaan ciidamada in xafiiska loo furo taliyaha Farmaajo uu soo magacaabay ee lagu magacaabo Yaasiin Fareey halka kuwo kale la sheegay in ay diiden oo ay sugayaan amarka Xafiiska rooble ugu yimaada Xaalka ma Ficno maanta

wixii soo kordha Insha allah

You might also like More from author