DEG DEG: Xildhibaan Aadan Madoobe oo ka Tanaasulay Tartanka Doorashada

Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa ka socda doorashadda gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa goordhow ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka Xildhibaan Shiikh Aadan Madoobe.

Kooramka Xildhibaanada wuxuu ku furmay 258, waxaana hada tirade Musharaxiinta ay tahay 10-Musharaxiin.

Xildhibaan Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu rajeynayay maadaama uu hore xilkan usoo qabtay in lagu taageero laakiin wuxuu sheegay in uu arkay in booska looga hareeyo wuxuuna raali galiyay Xildhibaanada taageersanaa.

1- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye

2- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar

3- Xildhibaan Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan

4- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

5- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye

6-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur.

7- Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow

8- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur

9- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen

10- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

You might also like More from author