DEG DEG: Weerar Toogasho ah oo Goordhow Muqdisho ka dhacay

Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan oo watay Gaari in ay rasaas ku fureen Gaari marayay isla degmada Dharkeenlay gaar ahaan Xaafadda Ceeldheere.

Dableyda hubaysan oo wadatay gaari NOAH ah, ayaa la sheegay inay ku horgooyeen gaariga kale oo ah Qooqan, kadibna xabado ay la dhaceen.

Dadka degaanka ayaa sheegay gaariga qooqanta inay saarnaayeen saddex ruux oo mid ka mid ah meesha ku geeriyooday, halka labada kale dhaawac uu soo gaaray.

Kooxihii watay gaariga hubaysan ayaa ka baxsaday durbadiiba goobta, waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamada Ammaanka.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga la beegsaday uu lahaa qof Mas’uul ah.

Shalay ayaa isla degmada Dharkeenlay lagu rasaaseeyay gaari uu lahaa Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi.

You might also like More from author