DEG DEG: Wadada Isgoyska KM4 oo lagu kala cararay & Ciidamo la wareegay Amaanka

Wararka aan ka heleyno isgoyska KM4 ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay xireen gabi ahaan wadada aada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Arinta waxay ka dambeysay kadib markii gaari laga shakiyay lagu arkay wadada aada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Gaari oo noociisu yahay Kaarib ayaa la dhigay dhanka midig ee wadada Aadan Aadan Cadde Airport, waxaana ciidamada ay diideen adeegsiga wadadaasi.

Goobaha ganacsiga ayaa la xiray, iyadoo dadka iyo gaadiidka laga celiyo isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

You might also like More from author