DEG DEG: Taliyeyaasha Nabad sugida & Booliska oo Xilalka laga qaaday

Kulan deg deg ah oo Albaabada u xiran yihiin oo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiiradiisa ayaa xilalka looga qaaday Taliyaha Nabad sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambalooshe) iyo Taliyaha  ciidamada Booliska General Cabdixakiin Daahir Saciid “Saacid”.

Shir deg deg ah oo Golaha Wasiirada ay yeesheen ayaa xilka qaadista waxaa soo jeediyey Wasiirka Amniga, Golahuna waa ku raacay.

Cidda bedelaysa lama go’aamin gadaal ayaa laga soo sheegi doonaa.

Waxaa lagu eedeeyay in ay ku fashilmeen waajibaadkii loo idmaday ee ahaa Difaacidda Shacabka Soomaaliyeed.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa faraha ka baxay Ammaankeeda, waxaana ka dhacayay Qaraxyo iyo dilal Qorsheysan.

FAAHFAAHINTA WARKAN GOORDHOW LA SOCO

You might also like More from author