DEG DEG- Taliyaasha CQSD oo kulan yeeshay

Waxaa kulan is xog waraysi iyo quraac saaka ku yeeshay xarunta Ha’yadda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Hoggaanada kala duwan ee Ciidamada Dawladda Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa qayb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Sareeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Farey, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Qoroole iyo taliye xigeenada kala duwan.

Kulankan ayey saraakiishu kaga arrinsadeen sidii ay si wada jira uga wada shaqayn lahaayeen hawlaha amni ee horyaala iyo sidii ay u yeelan lahaayeen wada shaqayn guud oo ka dhaxaysa Talisyada.

Taliyaha Booliska Xijaar  oo kulanka ka warbixnitaya ayaa ku soo koobay in looga hadlay Amniga dalka iyo la socodka Arimaha Doorashada.

You might also like More from author