DEG DEG: Shirka Madaxda Qaranka & Maamul Gobaleedyada oo Madaxtooyada ka Furmay

Waxaa goor-dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ka furmay Shirkii Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul Gobaleedyada sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan oo saacado dib u dhacay ayaa la sheegay in xiligaan uu toos kaga socdo Madaxtooyada Soomaaliya waxaana ku sugan dhamaan dhinacyada Shirka.

Saraakiisha Dowladda ee qaban qaabada Shirka ayaa xaqiijiyay in hada uu furitaan yahay qodobada la isku haayana ee muranka ka dahx-abuuray Madaxda Qaranka iyo Kuwa maamul Gobaleedyada dooda ay bilaaban doonto gilinka danbe ee maanta.

You might also like More from author