DEG DEG: Shil Gaari oo Khasaaro geystay oo Saaka ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 1 Qof ayaa ku dhintay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii shil uu galay gaari ay la socdeen oo ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa waday shaqaalaha loo yaqaan xoogsatada ee ka shaqeeya Garoonka Aadan Cadde waxaana Gaariga ay la socdeen uu ahaa UD,kaas oo sida ay sheegayaan Maamulka Degmada Shibis laga waayay Bareegga.

Guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Shibis ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in hal qof ku dhintay shilka Gaari ee saaka ka dhacay degmadiisa 20 kalena ku dhaawacmeen.

Waxaa uu sheegay in Gaariga ay saarnaayeen shaqaale badan sidoo kale gaariga laga waayay joojiyaha ama Bareegga,waxaana uu xusay in dhaawacyada loo qaaday isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Shilka ayaa ka dhacay Isgooyska Nasiib-Buundo ee Degmada Shibis,halkaas oo uu Gaariga marayay xilka SHilkaasi gelayay.

You might also like More from author