DEG DEG: Sheekh Soomaalida dhexdeeda Caan ka ah oo Hargeysa lagu xiray

Ciidamada Ammaanka maamulka Somaliland ayaa xiray Sheekh Aadan Sune oo ka mid ah Culimadda caanka ka ah dhulka ay Soomaalidu ay degto.

Sheekha ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaliil u jeedinayay maamulka Somaliland ka dib markii ay xireen Macalimiin Qur’aan.

Xalay ayaa la sheegay in cutubyo ka tirsan ciidamada maamulka Somaliland ay u daateen Guriga Wadaadka oo ku yaalla Xaafadda Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa.

Ciidamada ayaa la sheegay in iska horimaad kooban ay kala kulmeen dhalinyaro ku sugnaa Guriga Sheekh Aadan Sune.

Ciidamada ammaanka ayaa dhowr jeer xiray Sheekh Aadan Sune ka dib markii uu dhaliilay maamulka Somaliland.

You might also like More from author