DEG DEG: Qof Jaakado Qarxa xiran oo Weerar Ismiidaamin ah ka Fuliyay Beledweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Qarax ismiidaamin ah uu goor dhow ka dhacay magaalada, iyadoo qaraxan uu geystay qof jaakadaha qarxa xirnaa oo isku qarxiyay afaafka hore ee xarunta maamulka Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan naftii haligaha ah uu beegsaday dad ku sugnaa maqaayad shaaha lagu cabo oo ku taal agagaarka xarunta maamulka Gobolka Hiiraan, iyadoo jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ayaa sheegaya inay maqleen qarax xooggan oo ka dhacay agagaarka xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan, iyadoo ciidamada ammaanka ay goobta xireen.

Qaraxan ismiidaaminta ayaa ah kii labaad uu fuliyo qof xiran jaakadaha qarxa, iyadoo jimcihii la soo dhaafay uu qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay meel maqaaxi ah oo ku taal magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ku dhinteen illaa afar ruux.

You might also like More from author