DEG DEG: Qarax xoogan oo Goordhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama

Qarax xooggan oo gaari loo adeegsaday ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo warar horudhac ah uu ka soo baxayo.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Xaaji Baasto, halkaasoo la sheegayo in gaari la dhigay uu qarxay.

Wadada Al-mukarama oo ah wado aad u mashquul ah, ayaa halbowle u ah isu socodka qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhowr jeer oo hore ayaa qaraxyo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay ka dhaceen, iyadoo wadadan ay noqotay halka ugu badan ee qaraxyada ka dhacayeen todobaadyadii u dmabeeyay.

You might also like More from author