DEG DEG: Qarax Xoogan oo Duleedka Muqdisho lagula Beegsaday Ciidamo ka tirsan Shirkad Mareykan ah

Wararka naga soo gaaraya Duleedka Magaalada ayaa waxa ay sheegayaan in Ugu yaraan 2 Qof oo shacab ah ay ku dhimatay halka tiro kale oo ay ku jiraan Ciidamana ay ku dhaawacmeen kaddib markii Gaari ay la socdeen Ciidamo uu qarax ku qabsaday deegaanka Calamada.

Kolonyo ka tirsan Ciidamada Sharikadda Bankaraft oo uu leeyahay Mareykanka AMISOM ka taageerta tababarrada iyo qalabeynta ayaa waxaa uu Qarax ku qabsaday Calamada.

Labada Qof ee dhimatay oo Rayid ah ayaa saarnaa Mooto Bajaaj xilliga Qaraxa uu dhacayay ag mareysay Gaariga Miinada la qaraxday.

Qof Goobjooge ah ayaa xaqiijiyay Qarax kaddib Ciidamo ka tirsan Dowladda ay goobtaasi gaareen,waxaana uu intaas ku daray in ay isku gadaameen goobtaas.

Sharikadda Mareykanka laga leeyahay ayaa Ciidamada ka tirsan ee la qarxiyay waxaa ay ka soo baxeen Garoonka Ciidanka Cirka ee Balli-doogle,waxaana ay ku soo jeedeen Magaalada Muqdisho.

You might also like More from author