DEG DEG: Qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho & Sedex Caruur ah oo…

Wararka laga helayo Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku Waramayaan in qarax laga maqlay deegaanka carbiska ,kadib markii Sedex Caruur ah ay ku dhaawacmeen Bambo la Sheegay inay Taalay kaam ku yaala Deegaanka carbiska.

Dadka Deegaanka Carbiska ayaa Sheegay in Sedexdan Caruur ay ka yimaadeen Dugsi lagu barto qur’aanka kariinka,kadibna ay u soo socdeen Hoygooda oo ku yaala Deegaanka carbiska,sidaasina uu qaraxa ku haleelay.

Goobta uu qaraxa  ka dhacay ayaa u dhow Xarun ay Degan yihiin Ciidamada AMISOM,inkastoo caruurtan ay deganaayeen Kaam ku yaala Deegaanka Carbiska.

Sedexdan Caruur ee ku dhaawacmay Qaraxan ayaa waxaa loola Cararay Xarumaha Caafimaadka Sida uu soo Sheegayo Wariyaheena Gobalka Shabeelaha Hoose.

Maalmihii uguu dambeeyay ayay aheyd markii Caruur Sidan oo kale ugu ciyaaraya Waxyaabaha Qarxa ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

You might also like More from author