DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Magalada Muqdisho

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir ayaa waxa uu ka dhacay Wadada Maka Almukarama gaar ahaan agagaarka Isgoyska Shaqaalaha kasoo horjeedka Hotelka Mubaarak ee Magalada Muqdisho

Qaraxa ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in uu yahay Gaari nooxa raaxada ah oo lagu dhejiyey waxyaabaha qarxa,waxaana Sawiro laga soo qaaday la arkayey gaariga oo gubanaya,isla markaana aysan weli suurtagelin in la demiyo.

Majirto weli cid xaqiijisay khasaaraha uu geystay qaraxaas,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Gaariga uu ahaa mid meesha la dhigay,isla markaana laga tegay.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa goobta gaaray,kuwaas oo xiray wadada soo gasha goobta uu qaraxa ka dhacay,waxana gaariga qarxay uu waxyeelo kale u geystay gawaari kale oo goobta yaallay.

You might also like More from author