DEG DEG:- Qarax dad badan ku Geeriyoodeen oo Goordhow ka dhacay Duleedka Balcad

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Daniga oo 11-KM u jira degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in Miino dhulka lagu aasay ay la kacday gaari Hoomey ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Gaariga ayaa ka baxay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose wuxuuna ku sii jeeday degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Qaraxa ayaa la sheegayaa iney ku dhamaadeen dadkii saarnaa oo u badnaa Haween ka ganacsada Cowsha.

Gaariga ayaa la sheegay inay saarnaayeen haween ka ganacsada Cawska, waxaana la sheegay in inta badan dadkii saarnaa Baabuurkaasi ay ku dhinteen.

Dad ku sugan Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegaya in haweenkii saarnaa gaariga caasiga ah badankood ay geeriyoodeen.

Dad goobta ka agdhow iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Balcad ayaa la soo sheegayaa iney u gurmadeen dadka waxyeelada soo gaartay.

You might also like More from author