DEG DEG:- Qalabkii yiilay xafiisyada Guriceel oo shacab ay bilalaqeysteyn iyo booliska oo amar ka soo saaray

Taliyaha Booliiska Guriceel Cismaan Cali Hudeey ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay xaqiijin doonaan amniga magaalada Guriceel ee Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Taliyaha ayaa u qornaa sida tan; “Saacadaha soosocda waxaan xaqiijin doonaa guudahaan amniga Degmada Guriceel insha allah

Shacabka Degmada Guriceel
Waad ku mahadsantihiin sidaad noola shaqeeyneeysiin iyo xogaha aad nasiineeysiin.

DIGNIIN
Ciddii aay kusoo caddaato in uu lug ku lahaay ama uu qaaday wax kamid ah hantida doowladda ee taalay gudaha xarunta police ka waxaan la tiigdan doonaa sharciga insha allah

Fadlan ha isku dayin in aad ku xad gudubto xoolaha qaranka ee dadka loogu adeegayay.

Taliska Ciidanka saldhigga Degmada Guriceel
Taliye Cismaan Cali Hudeey
MAHADSANIDIIN”

You might also like More from author