DEG DEG: Puntland oo Sheegtay inay la wareegtay deegaanka Tukaraq

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa goor dhow shaaciyay in ciidamada Puntland ay dagaal kula wareegeen degaanka Tukaraq.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil sheegay in dagaal uu wali socdo,islamarkaana ay wali gacanta ku hayaan degaankaasi.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Somaliland oo ku aadan sheegashadda Puntland.

You might also like More from author