DEG DEG: Odayaal Guryahooda lagala Baxay oo la Toogtay

Laba nin oo Odayaal Dhaqameedyo ahaa, ayaa waxaa xilli dambe oo xalay ahayd lagu dilay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ka dib markii guryahooda lagala baxay.

Odayaashan oo si weyn looga garanayay degmadaasi, ayaa waxaa guryahooda ku weeraray maleeshiyada Ururka Al Shabaab, kuwaa oo markii dambe ku dilay Suuq Buusaar, oo ah Suuqa Geella lagu iibiyo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegay in odayaashan lagu kala magacaabi jiray Nabadoon C/raxmaan Ugaas Cali Damdamle iyo Nabadoon Macalin Aadan.

Nabadoon C/raxmaan Ugaas Cali Damdamle, ayaa la dhashay Ugaaska Beesha Garre, Ugaas Aadan Ugaas Cali Damdamle, waxaana uu ahaa ninkii Ugaasnimada ka dhaxli lahaa Ugaaska Beesha Garre.

Sababta lagu dilay labadan nin, ayaa waxaa lagu sheegay iyagoo dhawaan dalka Kenya kaga qaybgalay doorashadii madaxtinimada, ee 8-dii bishii hore ee August ka qabsoomtay dalkaasi.

Ururka Al Shabaab, ayaa mar sii horeysay ka digay in dadku ka qayb qaataan doorashadaasi, ciddii amarkooda jebisaana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Tallaabada lagu dilay odayaashan, ayaa baqdin ku dhalisay bulshada reer Ceelwaaq, iyadoona dadka deegaanku ay hadalhayan dilka odayaashaasi.

You might also like More from author