DEG DEG: Masuul uu Magacaabay M/weyne Farmaajo oo Facebook isku Casilay

Maxamed Yuusuf Tigey ayaa Facebook-giisa ku soo qoray inuu iska casilay Xubinimada  Guddiga taakuleynta ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Sababaha is casilaadiisa ayaa waxa uu ku sababeeyay dhowr qodob oo kala ah.

1:- Madaxbaani la’aan uu sheegay in ay heysato Guddiga.

2:- Isku  dheelitir la’aan ka muuqato Guddiga

Iyo sidoo kale Ixtirmaan la’aan heysato guddiga sida uu isaga sheegay.

War Qoraal ah oo uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay  Facebook ayaa waxa uu ku cadeeyay in ay ka dambeysay is casilaadiisa.

Horay ayaa waxaa shaaciyay in uu isku casilay gudoomiyihii guddiga taakuleynta Ciidamada Qalabka sida Jen, Jaamac Maxamed Qaalib oo uu Madaxweyne Farmaajo Magacabay 9,kii july ee Sanadkaan.

You might also like More from author