DEG DEG:-Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dib ugu laabtay Jabuuti, kaddib safar uu ku tagay dalka Faransiiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta dib ugu laabtay Jabuuti, kaddib safar gaar ah oo uu ku tagay Faransiiska oo isugu jiray nasasho iyo baaritaan caafimaad sida uu horay u shaaciyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo beeniyay wararka la isla dhex marayay ee ku saabsaneyd xaaladiisa caafimaad.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

You might also like More from author