DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dalka Burundi

Madaxweynaha JFS mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu Saacadaha Soo socda gaaro Magaalada Bunjubuura ee Dalka Burindi waxaana socta qaban qaabada lagu soo dhaweynaayo Madaxweynaha JFS mudane Farmaajo iyo wafdigiisa.

Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha JFS ayaa lagu wadaa in uu kulamo kala duwan la qaato madaxda Dalka Burindi taasoo ay ka mid tahay xoojinta labada Dal waa Soomaaliya iyo Burindiye iyo sida Ciidamada Burindi ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee Soomaaliya jooga ay kaga qeyb qaadan lahaayeen Dagaalka ay Cilaamisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safarka Maanta uu Madaxweynaha JFS mudane maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdiga uu hugaaminaayo ay ku tagayaan wadanka Burindi ayaa qeyb ka ah Socdaalka Maalmahaan uu ku marayay Dalalka Ciidamadoodu joogaan Soomaaliya Sida’ Uganda,Ethopia,Jabuuti iyo Maanta oo tagayo Dalka Burindi.

You might also like More from author