DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo Goordhow dalka ka Ambabaxay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw u dhoofay Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya sida ay noo xaqiijiyeen Xubno ka mid ah Madaxtooyada Soomaaliya oo Wafdigiisa ka tirsan.

Saraakiil Ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha uu goor-dhaw ka baxay Madaxtooyada Soomaaliya isagoo ku sii jeeda Magaalada Riyaadh ee Boqortooyada Dalka Sacuudiga oo xiisad kala dhaxeyso Soomaaliya kadib Markii ay ku qanci weysay go’aanka dhex dhexaadka ah ee Xiisadda khaliijka.

Waa Markiisii Labaad ee uu booqasho ku tago Dalka Sacuudiga, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu safarkiisii ugu horeeyay ku tagay Dalka Sacuudiga halkaas uu ku soo qaatay Dhowr maalmood.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in Madaxda Dalka Sacuudiga uu kala hadlo Xiisadda ka taagan Khaliijka taas oo saameysay Siyaasadda Soomaaliya.

You might also like More from author