DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa gaaray Dalka Jabuuti, waxaana si weyn u soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada aan walaalanahay ee Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ka wada hadleen Xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo sidii Dowlada Jabuuti kaalin muuqata ay kaga qaadan laheyd dagaalka lagu ciribtirayo argagaxisada Al shabaab oo Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa socdaal ku maraya dalalka ciidamadooda ay ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna hore u soo maray dalalka Uganda iyo Itoobiya, isagoo kala hadlay sidii loo dardar galin lahaa dagaalka lagu qaadayo Cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

You might also like More from author