DEG DEG Madaxweyne Deni “Ciidamada ayaa uga digaya inay ku milmaan Siyaasadda”

Madaxweyne Deni “Ciidamada waxaan uga digay inay ku milmaan Siyaasadda”

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa uga digay guud ahaan laamaha Amniga ee ka howlgalla degaanada maamulka Puntland iyo sidoo kale qeybaha kale ee dalkaba in ay ka digtoonaadaan in ay ku milmaan Arrimaha Siyaasadda.

Waxaa uu sheegay in laamaha Amniga laga doonaayo in ay qeyb ka noqdaan xaqiijinta goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka balse aysan u kala safan Karin dadka Musharaxiinta ah ee doonaya kuraasta labada Aqal.

Deni ayaa soo jeediyay in dalka uu gali karo xaalad halis ah haddii laamaha Amniga ay faragaliyaan arrimaha siyaasadda ayna meesha ka baxayso kaalintii dhexdhexaadnimada iyo ciidanimada.

“Ciidamada waxaan uga digay inay ku milmaan Siyaasadda” Hadalkan ayuu kasheegay madaxweynaha munaasibad uu ku dalacsiiyey ciidamadii ka shaqeeyey nabadgelyada gobolka Mudug.

You might also like More from author