DEG DEG:- Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle oo la Doortay

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa ka dhacay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle, iyadoo 8-musharax ay ku tartamayeen Xilka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wareega koowaad ee Doorashada waxaa ku haray afar musharax, iyadoo afarta kale ee soo gudbay wareega labaad ay labo ka mid ah is casileen sidaas awgeed waxaa laga gudbay wareega Labaad, iyadoo loo gudbay Wareega Sedexaad.

Labada Musharax ee wareega Sedexaad ku tartamay ayaa kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo Daahir Cabdulle Cawaale, waxaana codadka ugu badan helay Maxamed Cabdi Waare oo noqday Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle.

You might also like More from author