DEG DEG:- Hawlgal gaar ah oo ka socda Magaalada Boosaaso

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada ammaanka Puntland ay Magaaladaasi ka wadaan hawlgal ammaanka lagu xaqiijinaayo.

Hawlgalkaan ka socda Magaalada Boosaaso, ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii shalay Magaalada Boosaaso ay ka dhaceen laba qarax oo mid ka mid ah uu yahay Ismiidaamin.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa baaritaan waxa ay ku wadaan guryaha iyo gaadiidka, iyaga oo si gaar ah baaris ugu sameynaya dhalinyarada ku nool Magaalada Boosaaso.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Puntland ayaa hor boodeysa Baaritaankaan ka socda Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari oo ciidamada dadka iyo gaadiidka ay ku baarayaan.

Qaraxyadii shalay oo mid ka mid ah uu ahaa Ismiidaamin, ayaa masuuliyadeeda waxaa sheegatay Kooxda Daacish qaybta Soomzaliya ku sugan, kuwaasi oo Saldhig ku leh Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Dadka ku nool Magaalada Boosaaso ayaa ku soo waramaya in hawlgalka ciidamada ay ku soo qabteen tiro dhalinyaro ah, balse aanan la ogeyn dhalinyaradaasi cida ay xiriirka la leeyihiin, laakiin Baaritaan lagu sameyn doono.

You might also like More from author