DEG DEG: Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug oo Goordhow la Ansixiyay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,ayaa maanta xildhibaanada maamulkaas horgeeyay Golihiisa Wasiirada Cusub si ay u meel mariyaan.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne Xaaf,Gudoomiyaha barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo inta badan Golaha Wasiirada oo u badan Golihii hore ee uu ka tegay Cabdi Kariin Xuseen guuleed.

Waxaa kulanka ku sugnaa 58 Xildhibaan  53 ka mid ah ayaa ansixisay 5 waa ay diiday, mana jirin cid ka aamustay, waxaana guddoonka baarlamaanka Galmudug uu ku dhawaaqay in ay ansax yihiin Golaha wasiirada Galmudug.

Madaxweyne xaaf oo goobta ka hadlay ayaa isna u mahadceliyay Xildhibaanada Galmudug qaabka wanaagsan oo ay u ansixiyeen Golahiisa Wasiirada.

You might also like More from author