DEG DEG: Gantaalo lagu garaacay Daacishta ku Dhuumaneysa Puntland

Wararka ka imanaya Degmada Caluula ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Diyaarado aan la garaneyn cidda iska leh ay duqeyn ka geysteen degaan hoostaga degmada Caluula.

Lama garanayo khasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhacday degaanka lagu mahacaabo Af -kala haye oo 24km u jira Caluula.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ay maqleen duqeyn xoog leh oo ay ka argagexeen taas oo aysan garaneyn cidda geysatay,waxaana ay muujiyeen cabsi ku soo korodhay degaankaas.

Maamulla Puntland iyo Dowladda Federaalka ah wali kama hadlin duqeynta diyaaradaha aan la garaneyn Cidda leh ay ka geysteen Gobolka Bari.

You might also like More from author