DEG DEG: Galmudug & Puntland oo ku Dagaalamaya Mudug

Ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ee Soomaaliya ayaa ku dagaallamaya degaan lagu magacaabo Gacnafalle,halkaas oo ilaa hadda rasaasta laga maqlayo.

Dadka degaanka ayaa saaka ku soo toostay rasaas ka duldhaceysa,waxanaa la sheegaya in wali uu dagaalka ka socdo degaankaas.

Ciidamada Puntland iyo Galmudug ee dagaallamaya ayaa la sheegayaa in ay helayaan gurmad uga imanaya dhinacyada ay ka kala tirsanyihiin,iyada oo dadka degaanka ay barakac billaabeen.

Todobaadkan billowgiisii ayey ahayd markii ay isla goobtaas ku dagaallameen Ciidamada labada dhinac iyada oo la sheegayo in ay ku dhinteen dad ka badan 10 Qof oo labada dhinac ka kala tirsan.

Dagaalka saaka socda ayaa sidoo kale wararku waxaa ay sheegayaan in uu geystay khasaare naf iyo maalba leh iyada oo dhaawacyada qaar la geeyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo labada Maamulba ay ka wadataliyaan.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka socda kulamo deg deg ah oo waxgaradku uga tashanayaan sidii loo joojin lahaa colaadaasi kasoo cusboonaatay Barigga gobolka Mudug.

You might also like More from author