DEG DEG:-Dowladda Kenya Oo Joojisay Xaflad Lagu Soo Dhaweyn Lahaa Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur

Wararka naga soo garaya dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta laga joojiyey Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Munaasabad lagu soo dhaweyn lahaa taas oo 1: Duhurnimo ee maanta dhici laheyd.

Munaasada ayaa aheyd mid ay u qaban lahaayeen Jaaliyadda Soomaaliyed ee ku nool magalada Nairobi ee dalka Kenya taas oo ku saabsaneyd soo dhaweynta Guddoomiyaa Xisbiga Wadajir Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Illo xog-ogaal ah ayaa inoo sheegay in laamaha amniga Kenya ay joojiyeen Munaasabadaas lagu soo dhaweyn lahaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur,in kastoo sidhab ah aysan u faah faahin cidda bixisay amarka Xaflada lagu joojiyey.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo dhawaan gaaray dalka Kenya,waxa uu yahay Shaqsi aad u dhaliilada Madaxda Dowladda Soomaaliya,waxana horay ,muqdisho looga joojiyey kulan uu ku qaban lahaa Hotelka Saxafi ee M/Muqdisho.

You might also like More from author